DOOLOW (SMN) – Maareeye Ku xigeenka Hay’adda Taya dhowrka Qaranka Marwo Suuban Cabdinuur Gaas oo ay wehliyaan masuuliyiin katirsan hay’adda SoBS oo soo gaartay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo ayaa maanta kulan la qaadatay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Siyaad Aadan iyo Masuu’liyiin kale oo katirsan Jubbaland.
Shirkan ayaa waxaa Goobjoog ka haa Mudanayaal katirsan Golaha Shacabka BJFS, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Doolow.
Kulanka ayaa inta badan diiradadda lagu saaray iskaashiga iyo meel marinta Hay’ada Taya Dhowrka Qaranka iyo wadashaqeynta maamulka Jubbaland.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-