Wasiiro ka tirsan Jubbaland oo booqday jiidda hore ee dagaalka + Ujeedka

0

KISMAAYO (SMN) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo uu wehliyo sii hayaha wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta Jubbaland Maxamed Deeqoow Xuseen ayaa dhiirigalin iyo garab istaag ugu tagay ciidamada ku sugan furimaha hore ee deegaanada waqooyi ee gobolka Jubbada hoose gaar ahaana deegaanka Janaa Cabdalle iyo deegaano kale oo hoos yimaada.

 

Wafdigan wasiirada ah waxaa deegaanada ay tageen ku soo dhaweeyey saraakiisha sar sare ee halkaasi ku sugan kuwaas oo warbixin dhamaystiran kasiiyay deegaanada Janaa Cabdalle iyo kuwa hoos yimaada.

Saraakiisha hogaaminayso ciidamada ku sugan furimaha hore ee gobolka Jubbada hoose ayaa wasiirada kala wareegay deeq Geel ah oo loogu talagalay in lagu dhiirigaliyo geesiyaasha har iyo habeenba u taagan difaaca shacabka reer Jubbaland.

Si kastaba, Jubbooyinka ayaa la filayaa inuu dhawaan ka billowdo howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo noqon doono kan ugu xoogga badan, maadaama taliska ugu weyn ee Al-Shabaab uu yahay gobolka Jubbada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here