QAAHIRA (SMN) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed oo Safar shaqo ku jooga Dalka Masar ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Qaahira ee Caasimada Dalka Masar Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Dalkaas.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Dalka Masar ayaa ka wada hadleen qodobo ay kamid yihiin In Dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo Dalku galka Dalka Masar, in lawadaago Xogaha Socdaalka iyo Khibradaha labada dal ay u leeyihiin arrimaha Socdaalka.
Sidoo kale waxay si qoto dheer Labada Hay’adood uga wada hadleen in Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ay ku yimaadaan Tababaro iyo aqoon kororsi ku aadan dhanka Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo in Baasaboorada Diblomaasiga iyo Shaqada lagu siiyo Dalku-galka Garoomada Dalka Masar marka ay kasoo dagayaan Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda.
Kulankaan oo muhiimad gaar ah u lahaa labada Hay’adood ayaa waxaa goobjoog ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar Danjire Ilyaas.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-