MAXAAS (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow qarax loo adeegsaday gaari uu ka dhacay gudaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore xero ay dagan yihiin ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi,
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay goob lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla bannaanka hore ee xerada.
Ciidamada ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay ka hortageen qaraxa, isla-markaana ay rasaas ku fureen gaariga kahor inta uusan ka gudbin halka ay gaadiidka lagu baarayay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi in halkauu qaraxu ka dhacay ay aad uga fog tahay meesha uu dagan yahay madaxweynaha, ayna joogaan wafuuda kale ee ku sugan halkaasi.
Maxaas ayaa waxaa haatan ka socda guluf culus oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, halkaas oo uu abaabul xoogleh ka wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.