MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad kalfadhiga lixaad ee Guddiga Joogta Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka maanta ee Guddiga joogtada ayaa ku saabsanaa dib u qaabaynta qorshe howleedka fadhiyada guud ee Golaha oo ay ugu horeeyaan ajandaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada iyo katashiga geedi socodka howlaha kale ee Mudnaanta leh iyo hor-tebinta leh Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamaanka JFS.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadiyay shaqada wanaagsan ee xubnaha Guddiyadu ay u hayaan Golaha, ayaa dhinaca kale faray in ay laba jibbaaraan waajib gudashadooda, si loo dhammaystiro kalfadhigan shuruucda Golaha hortaalla.




DHAMMAAD



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
