Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo hal arrin ku amaanay dowladda Qatar

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa bogaadiyay mowqifka dowladda Qadar ay ku garab taagan tahay dalkiisa, isagoo caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay xasuusan doonaan dowladda Qadar.

 

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Qatar ee QNA ayuu Ra’iisul wasaaruhu ku sheegay in Qatar aysan waligeed ka caga jiidin fidinta gargaarka iyo taageerada dhammaan arrimaha heer gobol iyo heer caalami ee goleyaal.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay taariikhdu xusi doonto doorka muuqda iyo doorka hormuudnimo ee Qatar iyo shacabkeedu ay ku leeyihiin kobaca iyo horumarka Somalia oo ay ka muuqato taageeridda mashaariicda horumarineed iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, dib-u-dayactirka xarumaha dawladda, iyo sidoo kale iskaashiga ka hortagga noocyada kala duwan ee dhibaatooyinka iyo ka jawaabista codsiyada bini’aadantinimo.

Martigelintii Qatar ee shirkii saddexaad ee kooxda Quint ee Soomaaliya bishii June ee la soo dhaafay waxay hoosta ka xariiqday doorka wax ku oolka ah ee Qatar ee taageerada horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya heer gobol iyo heer caalami.

Dhanka kale RW Xamze waxa uu xusay in Soomaaliya aysan u arag Qatar saaxiib kaliya, balse ay u aragto saaxiib istiraatiji ah oo la isku halayn karo.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso adkeynta iskaashiga hadda jira ee kala dhaxeeya Qatar ee heer laba geesood ah, waxaana uu rajeynayaa in la ballaariyo iskaashigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here