Muqdisho – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen waajibaadka AUSSOM, taageerada la siiyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga u dhexeeya dhinacyada ay khuseyso amniga dalka.
Danjire Diene ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee uu siiyo hawlgallada Midowga Afrika iyo dadaallada ay Soomaaliya hoggaaminayso ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga.
Dhankeeda, Danjire Francesca Di Mauro ayaa ammaantay doorka AUSSOM ee taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan howlaha lagu ilaalinayo shacabka iyo kaabayaasha muhiimka ah, iyo sidoo kale wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay Ciidanka Amniga Soomaaliyeed si loo wiiqo khatarta Al-Shabaab.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, amni iyo xasillooni ay Soomaaliya hesho.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga Soomaaliyeed iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo geeddi-socodka nabadda iyo xasilloonida dalka.




