Xilidhibaan Marwa Cabdi oo la kulantay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti

0

JABUUTI (SMN) – Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir ayaa kulan la yeelatay guddoomiyaha baarlamaanka jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileeta Maxamed Dileeta,kulanka ayaa ahaa sida ay dowladda Soomaaliya u hanan laheed hoggaanka Madaxweynaha Midowga Baarlamaannada Adduunka oo lagu wado doorashadiisa sanadkaan la qabanayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadam Maxamed Nuur “Madoobe” ayaa u diray dhiggisa Dileeta Maxamed Dileeta codsi ah in lagu taageero Xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, una sharaxan xilka madaxweynaha Midowga Baarlamaannada Adduunka,xilkaan ayaa u sharaxan afar dowladood oo Afirka kala ah Soomaaliya, Tanzaaniya ,Senegal, Malawi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here