Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay dalka Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsan al-Shabaab ayaa Sabtidii shalay lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay ciidamada milatariga Kenya ku qaadeen deegaanka Bodhay ee gobolka Lamu.

 

Ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay inay soo furteen saddex qori oo AK47 ah, in ka badan 300 oo rasaas ah, qoryaha RPG-ga intii uu socday dagaalka.

Saraakiishu waxay sheegeen in lagu wargeliyay in shabakada Al-Shabaab katirsan ay ku dhuumaaleysanayaan laba goobood oo ka mid ah keymaha weyn ee Boni Forest taasoo keentay in howlgal laga sameeyo meelaha ay ka abaabulayeen weerarada.

Saraakiisha ayaa rumeysan in kooxdan ay qorsheynayeen weerar ay ka geystaan ​​deegaanka Lamu, oo ku dhaw xadka Soomaaliya.

Sabtidii, saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in qaar ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ay baxsadeen iyagoo dhaawacyo halis ah qaba.

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa khamiistii booqday ciidamada ku sugan saldhiga Burey ee gobolka Lamu, taasoo qeyb ka ah qorshaha sugida amniga dalkaasi oo weeraro ka dhaceen tan iyo markii ciidanka KDF soo galeen Soomaaliya.

10-kii bishan, weerar loo adeegsaday walxaha qarxa oo lagu qaaday baabuur ay wateen ciidamada Kenya ayaa lagu dilay 14 askari.

Waa dhacdadii ugu dambeysay ee noocan oo kale ah oo saameyn ku yeelata hay’adaha ammaanka Kenya, iyadoo uu socdo howlgalka xuduuda looga ilaalinayo inay ka gudbaan Al-Shabaab.

Deegaanka ku dhow xadka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay weeraro badan oo Kenya ku waysay tobanaan askari tan iyo sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here