MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa raadineysa dib loo dhigo mudo saddex bilood ah dhimista ciidamada Midowga Afrika ka dib markii ay la kulmeen “dib u dhacyo dhowr ah” kala kulantay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay warqad ay dowladda soo saartay oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP.
La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya ayay AFP sheegtay in uu warqad u qoray Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay taasoo ku codsaday in 90 maalmood dib loo dhigo wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS oo 3,000 oo askari dhamaadka bisha September laga qaadayo dalka.
Warqada oo ku taariikheysneyd 19-kii Sebtembar, ayaa waxaa loo diray danjiraha Albania Ferit, oo hadda ah madaxweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana ku saxiixnaa la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali.
Waxay ku soo beegantay maalmo uun ka dib markii ATMIS ku dhawaaqday inuu bilaabay wajigii labaad ee dhimista, iyadoo la saadaalinayo in 3,000 oo askari ay baxayaan dhamaadka bishan.
Ilo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyay jiritaanka warqadda, waxaana ilo kale oo arrintan ku dhow ay sidoo kale AFP u sheegeen in codsigaas la sameeyay.
Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidamada ATMIS laga saaro Soomaaliya dhamaadka sanadka soo socda, islamarkaana amaanka si buuxda gacanta ugu geliyaan ciidamada qaranka Soomaaliya.
Taasi waxay u baahan tahay in dowladda diyaarsiyay askar badan, oo buuxiyay booska ciidanka Midowga Afrika oo dalka joogay tan iyo sannadkii 2007-dii.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii May ee sanadkii hore xilka la wareegay ayaa balan qaaday inuu dalka ka saarayo Al-Shabaab, isagoo mudo bilooyin ah ku sugan Dhuusamareeb, si uu dhexda uga jiro howlgalka militeri.