Hay’adda SoDMA oo gargaar u qaybisay qoysas danyar ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA oo gacan ka helayso hay’adaha kala ah Sanduuqa hormarinta Dowlada Qatar iyo Qatar charity ayaa Deeq Gargaar ah waxa ay u qeybiyeen Boqolaal qoys oo danyar ah iyo kuwa ka soo barakacay Coladaha kuwaas oo ku nool Gudaha Magaalada Muqdisho.

 

Gargaarkaan dadka loo qeybiyey ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka, waxaana Todabaadkii hore si wadajir ah Mashruucaan u daahfuray Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Safiirka dalka Qatar u jooga Soomaaliya.

Waxaa mshruucan loogu talagalay in ay ka faa’iideeytaan dadka danta yar iyo kuwa ku nool deeganadii Al-Shabaab laga xoreeyey.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here