KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta sixiixay Saddex Xeer oo kala ah:-
- Xeerka Hay’ada Waddooyinka Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Howlaha Guud iyo dib u dhiska.
- Xeerka Sharciga kaluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah oo ay soo gudbisay Wasaarada Kaluumeysiga dhaqaalaha Buluugga ah.
- Xeerka Ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.
Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda ayaa dhawaan meel mariyay xeerarka uu maanta Madaxweynahu sixiixay sidaas ayayna dhaqan gal ku noqon doonaan.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-