Dhuusamareeb – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa sheegay inuusan u tartami doonin doorashada madaxtinimada Galmudug ee la filayo inay ka dhacdo maamulkaas.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu xusay 66-guurada kasoo wareegtay xorriyaddii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Qoor Qoor ayaa tilmaamay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada soo socota, isagoo xusay in go’aankiisa uu ku yimid danta guud iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadajirka iyo geeddi-socodka dowladnimada.
Hadalka Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Dhuusamareeb ay ka socdeen toddobaadyadii u dambeeyay kulamo iyo wada-tashiyo siyaasadeed oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Galmudug. Wada-hadalladaasi ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira hannaanka doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee maamulka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta wada-hadalladaas, hase yeeshee waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan geeddi-socodka doorashada Galmudug.




