AADAN YABAAL (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta diyaarado dagaal ay duqeymo xoogan ka gaysteen agagaarka degmada Ruun-nirgood ee gobolkaas, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Duqeymaha ayaa waxaa lagu soo wariyay inay billowdeen saaka aroortii hore, ayada oo xoogooda laga dareemayo xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in duqeymaha lagu beegsaday dhul howd ah oo ku yaalla xadka labada gobol, halkaas oo la rumeysan yahay inay joogaan Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan dhanka cirka ah ee ka dhacay duleedka degmada Ruun-nirgood.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle oo ku aadan duqeymaha ka socda miyiga fog ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa halkaas kula dagaalamayay Al-Shabaab oo inta badan weeraro kusoo qaada sakdhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, taas oo keenta khasaare soo gaara ciidanka.
Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, waxaana weli ka socda howlgallo xoreyn ah oo lagu doonayo in kooxda laga saaro HirShabelle.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa jiidda hor u tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo u guuray caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo laga hagayo howlgallada ka socda dalka.