DHUUSAMAREEB – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Arbacadii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku qaabilay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur, iyadoo ay goobta ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Markii uu garoonka soo gaaray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale salaamay boqolaal qof oo isugu soo baxay soo dhoweyntiisa.
Kadib, Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Galmudug, halkaas oo kulan soo dhoweyn iyo is-xogwareysi ah kula yeeshay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kulamadu ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha faahfaahsan ee wada-hadallada.



