AFGOOYE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramcad ay howlgallo ka sameeyeen gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysay ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday guryo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ciidamada ammaanka gacanta kusoo dhigeen.
Saraakiil ka tirsan Haramcad ayaa innoo xaqiijiyay in howlgalladaas lagu soo qabtay ugu yaraan 5 qof oo isugu jiro rag iyo dumar, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.
Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen inay howogalladu sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay in la xaqiijiyo amniga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, si looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo falalka kale ee amni darrada ah.