Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay garab istaag iyo taageero buuxda oo ay u fidinayso Dowladda Qatar, kaddib dhacdadii ka dhacday xarun gaas oo ku taalla Aagga Warshadaha ee Ras Laffan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda, isla markaana ay la wadaagto Dowladda iyo shacabka Qatar murugada ka dhalatay dhacdadaas.
Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska ay dhibaatadu saameysay, iyadoo Alle uga baryeysa kuwa ku dhaawacmay in uu si degdeg ah caafimaad ugu bogsiiyo.
Dowladdu waxay adkaysay mowqifkeeda ku aaddan in ay garab taagan tahay Dowladda Qatar xaalad kasta oo adag, iyadoo muujisay xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee muddada dheer soo jiray.



