Ammaanka guud ee magaalada Beledweyne oo si weyn loo adkeeyay

0

BELEDWEYNE (SMN) – Ciidamada Booliiska ee ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa howlgallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka kadib qaraxii ka dhacay halkaasi ka sameeyay xaafadaha magaalada, iyaga oo u kuurgalay xaaladda nabad-gelyo iyo dhaq-dhaqaaqyada laga shakisan yahay inay gobolka ka wadaan  Al-Shabaab.

 

Tan iyo markii uu halkaasi dhawaan ka dhacay qarax ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah ayaa waxaa dhammaan heegan la galiyey booliiska sugaya amniga magaalada iyo ciidamada kale ee Xoogga si ay uga hortagaan weeraro kale oo ka yimaada Al-Shabaab.

Magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde oo kamid ah kuwa ugu waaweyn ee gobolka Hiiraan waxaa dhawaan ka kala dhacay qaraxyo lala beegsaday goobaha rayidka iyo bartilmaameedyada ciidanka dowladda, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here