Taliska ciidamada Xoogga dalka oo farriin culus u diray ciidamada deegaanka

0

BELEDWEYNE (SMN) – Taliyaha qaybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa faray ciidamada deegaanka ay u diyaar garoobaan ka qayb qaadashay dagaal culus oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay joogaan HirShabelle,

 

Taliyaha ayaa xusay in weli Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaano iyo dgemooyinka ka mid ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isla-markaana ay duulaan ku yihiin.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalka xoogiisa uu ka dhici doono deegaanada dhaca jinka wabiga Shabelle, si looga saaro xubnaha Al-Shabaab oo ku sugan halkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray dadka shacabka ah, isaga oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada isbaheysanaya ee howlgallada ka wada HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here