MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale warbixin cusub kasoo saartay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle.
Warbixintan ayaa waxaa laagu shaaciyay jabka xoogan ee Al-Shabaab la gaarsiiyay iyo magacyada xubnihii kooxda laga dilay labadii bilood ee la soo dhaafay.
Halkan hooose ka akhriso:-
Akhriso; Tirada, Magacyada iyo Xilalka, horjoogeyaasha Khawaarijta ah ee lagu dilay, lagu dhaawacay, inta isa soo dhiibtay iyo kuwa baxsadka ah ee hawlgalladii u dambeeyay ee Galmudug iyo Hirshabeelle.
Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo labadii bil ee u dambeysay si qorsheysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaaleysan jirtay deegaannadaas.