Ciidamada booliska oo gacanta ku dhigay gaari siday walxaha qarxa

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doosishe) ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Gedo.

 

Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, rasaas badan iyo qorayga BKM-ka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka gobolka Gedo, sida uu shaaca ka qaaday Afhayeenka Booliska.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga guud ahaan dalka, iyadoo laga hortagaayo khatar kasta oo dhinaca amniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here