MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Casho Sharaf iyo Soo dhaweyn ugu sameeyay Hogaamiyaha Maamulka KMG ee SSC Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socotay Maamulka KMG ee SSC Khaatumo, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.
Hoggaamiyaha SSC oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sidoo kale sheegay in shacabka Muqdisho iyo dowladda uu uga mahad-naqayo sidii ay u garab istaageen dadka SSC, una caawiyeen dhaawacyadii la keenay caasimada dalka.
Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in qof kasta aan laga heli karin garab istaag, isla-markaana Muqdisho ay tahay caasimaddii xadaaradda.
Muddooyinkii u dambeeyay hoggaamiyaha SSC-KHAATUMO ayaa ku sugnaa magaalada Muqdisho, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Halkan hoose ka daawo sawirrada:-