Ciidamada dowladda oo howlgal culus ka fuliyay duleedka degmada Mahadaay

0

MAHADAAY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay howlgallo culus ka sameeyeen agagaarka degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

 

Ciidamada isbaheysanaya ayaa weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla duleedka degmadaasi, halkaas oo uu ka dhacay iska hor imaad kooban.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay weerareen goob uu shir uga socday Al-Shabaab, kadibna ay gaarsiiyeen khasaare culus.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen saraakiishu inay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobolka Shabeelaha Dhexe ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka deegaanka Ciid Ciidka iyo aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here