Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlay arrinta SSC-KHAATUMO

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha maamul gobloeedka Puntalnd Saciid Cabdullaahi Deni oo hadal jeedin sameeyay xalay ayaa ka hadlay waxyaaba dhowr ah oo ay ka mid tahay marxaladda arrimaha doorashooyinka ee Puntland iyo arrinta SSC-KHAATUMO.

 

Saciid Deni ayaa farriin gaar ah u diray maamulka SSC, isaga oo sheegay inay Puntland ahaan garab taagan yihiin.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay maamulka cusub ee SSC-KHAATUMO inay ka shaqeeyaan u adeegidda shacabka.

“Waxaan halkan uga dhawaaqaya, dawladda Puntland sidoodii ayey ugu leeyihiin xuquuqdoodii (SSC), maadaama oo sidaa lagu heshiiyey dastuurkuna uu sidaas dhigayo,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Masuuliyadbaa naga saaran ammaankeeda, difaaceeda iyo u adeegeeda”.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii uu dhawaan hoggaaniyaha SSC, Cabduqaadir Firdhiye oo ku sugan magaalada Muqdisho uu sheegay in aysan kasii mid ahaan doonin Puntland, ayna ka qaybgeli doonin doorashadeeda maadaama ay hadda sameysteen maamul madax banaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here