Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda oo xilka qaadis lagu sameeyay + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xilkii ka qaaday Raktarkii Jamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahadallah isagoo magacaabay Sii-hayaha Raktarka Jamacadda Ummadda oo noqonaya Dr Xasan Cismaan Gacal sida ku cad xeer Madaxweyne LR 144 .

 

Dhankiisa Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyada Jamacadda in ay la shaqeeyaan Sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Ummadda Dr Xasan Cismaan Gacal .

Ugu dambeeyn, Wasiirka ahna Guddomiyaha Guddiga ayaa u rajeeyey Sii-hayaha Raktarka ee cusub inuu ku guuleeysto gudashada waajibaadkiisa.

*DHAMAAD*

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here