Premier Bank iyo Mastercard ayaa daah-furay olole cusub oo macaamiisha haysata Premier Mastercard siinaya fursad ay ku guuleystaan abaalmarinno kala duwan marka ay wax ka iibsadaan dalka dibaddiisa ama online-ka.
Inta uu ololuhu socdo, macaamiisha ku adeegta Premier Mastercard oo isticmaasha USD 60 ama ka badan waxay si toos ah uga qaybgalayaan abaalmarinnada ololahan. Sidoo kale, USD
30 kasta oo dheeraad ah oo ay ku adeegtaan waxay sii kordhinaysaa fursadahooda ku guuleysiga.
Ololahan waxaa lagu abaalmarin doonaa 171 guuleyste, iyadoo abaalmarinnada ay ka mid yihiin safar gaar ah oo loogu talagalay hal guuleyste iyo qof weheliyo, iyo sidoo kale shopping iyo travel vouchers.
Ololuhu wuxuu u furan yahay dhammaan macaamiisha haysta Premier Mastercard. Wax ku iibsiyada caalamiga ah ee lagu sameeyo kaadhka muddada ololaha waxay si toos ah u kordhinayaan fursadda guuleysiga, iyadoo aan wax xaddidaad ah lagu soo rogin tirada macaamillada lagu gaadhi karo lacagta ugu yar ee ololahan.
Ololahan, Premier Bank iyo Mastercard waxay ku dhiirrigelinayaan macaamiisha inay adeegsadaan hababka lacag-bixinta dijitaalka ah ee amniga leh, iyagoo isla markaana ka dhigaya isticmaalka kaadhadhka mid faa’iido badan mar kasta oo ay Premier Mastercard ku isticmaalaan dalka dibaddiisa ama online-kaba.
“Waxaan mar walba raadineynaa siyaabo aan ugu abaalmarinno macaamiisheena, isla markaana aan sare ugu qaadno tayada ay ka helaan adeegyadeenna mar kasta oo ay adeegsadaan Premier Mastercard. Ololahan wuxuu ka tarjumayaa sida ay nooga go’an tahay inaan adeegyada bangiyada caalamiga ah ka dhigno kuwo faa’iido badan, abaalmarin leh, isla markaana si fudud ay uga faa’iideysan karaan macaamiisheennu. Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan macaamiisha inay ka faa’iidaystaan fursaddan.” Dr. Mohamed Ghedi – Agaasimaha Guud (CEO), Premier Bank




