JAWIIL (SMN) – Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamuud Moallim Abdulle, qaybna uu ka yahay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey degmada #jawiil ee Gobolka Hiiraan.
Wafdigaan oo safar dhanka dhulka ah uga ambabaxay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa duleedka degmadaas uga hortagay boqollaal shacab ah oo iskugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada, iyo maamulka degmada.
Ujeedka wafdigaan ayaa ah u kuur-galidda xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta degmada iyo degaannada hoos taga, Guddoomiyaha ayaana booqday 15 gaari oo sida shixnado mucaawino ah oo hay’adda SoDMA ugu tala-gashay in loo qeybiyo dadka nugul ee ku nool Jawiil iyo tuuloyinka ku dhaw kuwaas oo maalmo ka hor soo gaaray halkaas, sidoo kale masuuliyiintaan ayaa isbitaalka Magaalada Jawiil gaarsiiyey deeq dawo ah.
DHAMAAD