Taliska Booliska oo faahfaahiyay qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) –  Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayadda Blue Sky oo ku taalla agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

 

Qaraxa oo ahaa mid xoohan ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo dhex tegay dad badan oo ku sugnaa maqaayadda, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac  sida uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliya.

Dadka ku dhintay qaraxaan waxa kamid ah agaasimihii Tv-ga Somali Cable, Cabdiftaax Macallin Nuur Qays iyo dad kale oo ku sugnaa maqaayadda la qarxiyay

“16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lasii raaciyay “Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa.”

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegaan Al-Shabaab oo haatan dagaal adag ay kula jirto dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here