MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.
Madaale iyo Alnuaimi ayaa ka wada hadlay xariirka labada dhinac, Iskaashiga iyo dar-dargelinta Mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Qatar ka fuliso Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxa ay isla qaateen xoojinta taageerada Dowladda iyo dhiiragelinta Maalgeshiga dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
— DHAMAAD —