Laba askari oo maanta lagu toogtay magaalada Baydhabo + Sababta

0

BAYDHABO (SMN) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta lagu toogtay laba askari oo horay dilal uga gaystay deegaanada Koonfur Galbeed..

 

Geedow Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa lagu fuliyay Dil-toogasho taasoo ah Qisaasta Marxuum Mursal Cali Cabdi oo uu ku dilay Buur-hakaba.

Dilka ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedoow huwiyay gaari Caasi ah oo ka yimid dhanka Muqdisho kuna sii jeeday xilligaas magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kaleĀ  Ismaaciil Cadullahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo ka tirsan Xoogga Dalka oo isna horay u dilay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen kana tirsanaa saldhigga Booliska Rabdhuure ayaa isna lagu fuliyey dilkii qisaasta marxuum xuseen.

Dilka xuseen ayaa isna ka dhashay muran la xiriira kaararka lagu qaato raashinka oo dhex maray labadooda.

Maalmo kahor ayaa sidan oo kale Baydhabo loogu toogtay 3 askari oo iyaguna dilal u geystay kuwaas oo ay xukuno ku riday maxkamadda ciidamada, lagula fuliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here