Akhriso: Madaxweynaha maamulka Puntland oo magacaabis sameeyay

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland oo maanta wareegto soo saaray ayaa magacaabay maareeyaha iyo maareeye ku-xigeenka kastamka tuurdibi ee maamulkaasi.

 

Axmed Maxamed Xasan (Orshe) ayaa waxaa loo magacaabay Maareeyaha Kastamka Tuurdibi, halka Maareeye ku-xigeenka ku xgeena loo magacaabay Maxamed Cali Cabdulle.

Halkan hoose ka akhriso:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 45 ee 23-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Kastamka Tuurdibi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:              Dastuurka   Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay:               Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Axmed Maxamed Xasan (Orshe) loo magacaabay Maareeyaha Kastamka Tuurdibi.

Waxaa Maxamed Cali Cabdulle loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Kastamka Tuurdibi.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here