JOWHAR (SMN) – Nabadoon Xasan Kacaan oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo jeedo HirShabelle ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada makale kasoo cusboonaaday gobolkaasi, gaar ahaan aagga magaallo xeebeedka Cadale.
Kacaan ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaas ay sii hurinayaan dhinacyo kala duwan oo uu ka xusay siyaasiyiin danley ah iyo Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay ka dambeyso colaadaasi.
Sidoo kale Nabadoonka ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble oo dhawaan si adag uga hadlay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhexmaraya gobolka Shabeelaha Dhexe.
HirShabelle ayaa waxaa marar badan kusoo laalaabtay dagaal beeleedyo dhaliyay khasaarooyin kala duwan, kuwaas oo dib u dhigay horumarkii maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe.