Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda XFS oo kulamo ka wada Koonfur Afrika

0

JOHANNESBURG (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isxaaq Maxamuud Mursal oo haatan ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Johannesburg ee caasimasa dalkaas, kuwaas oo uu la qaadanayo jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha waddanka Koonfur Afrika.

 

Kulamadaan ayaa waxaa looga hadlayaa dhibaatooyinka Soomaalida loogu gaysto magaalooyinka dalkaasi, maadaama ay kordheen dilalka iyo boobka lagu hayo.

Wasiir Mursal oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay inay midoobaan, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay wax ka qaban doonto dhamaan cabashooyinka ay qabaan ee ku aadan saafaradda Soomaaliya iyo kuwa ay ka tirsanayaan dalkaasi.

Inta badan Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika ayaa la kulma dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin dil, dhaawac iyo dhac ay u gaystaan burcad Koonfur Afrikaan ah oo ku weerara goobahooda ganacsi ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here