Somaliland oo maanta xukun toogasho ah ku fulisay shan qof

0

HARGEYSA (SMN) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku fuliyay 5 nin oo horay loogu riday xuku dilal ah kuwaas oo lagu toogtay fagaaraha xabsiga weyn ee Mandheera ee maamulkaasi.

 

Shanta qof ee la toogtay ayaa waxaa dhammaan lagu helay inay horay dilal u gaysteen, ayada oo maanta loo qisasaasay dilalkaasi, waxayna kala ahaayeen:

1-Ayaanle Axmed Ismaaciil, 2-Cabdirashiid Maxamed Askar, 3-Liibaan Khadar Aadan, 4- Xamse Cali Ismaaciil 5- Xuseen Carab Muuse.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay toogashada raggaas, wuxuuna sheegay inay u mareen hab waafaqsan shareecada islaamka.

“Fulinta qisaasta waxaa loo cuskaday si waafaqsan shareecada islaamka aayadaha 178, 179 Suuratul Baqara ee Qur’aanka kariimka ah iyo qodobada 434 XCG iyo 246 XHC” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here