Laftagareen oo UK kala hadlay daadadka ku dhuftay Baydhabo + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Danjiraha Ingiriiska U fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo wafdi uu Hogaaminayey.

 

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Michael oo kulankooda ay ka qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada, Gargaarka iyo Howlaha guud ayaa laisaga Waraystay Saamaynta Fatahaadka Biyaha, Udiyaar Garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Xoojinta Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Loogu adeegayo Bulshada.

 

Safiirka Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya ayaa adkeeyey in Socdaalkiisa Magaalada Baydhabo ay tahay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin ugu qaadan lahayd Ugur Mashada Dadka Saameynta ku yeeshay Fatahaadka Biyaha iyo sidii ay utaageeri lahayeen Dadaalka  Koonfur Galbeed ee Daadejinta Adeegyada Dowladda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here