MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo aad u xanuun badan oo xalay ka dhacday deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho.
Haweeney magaceeda lagu sheegay Anbiyo Maxamed Cali ayaa la sheegay inay toorey ku dishay labad gabdhood oo lagu kala magacaabi jiray Nimco Saalax iyo IQro Daahir.
Eedeysanaha dilka gaysatay iyo labada gabdhood ayaa wada daganaa guri ku yaalla xaafadda Buur Bishaaro ee deegaankaasi, waxaana soo kala dhex-galay muran xoogan.
Sidoo kale waxaa goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammmaanka ee Gubadley, waxayna gacanta kusoo dhigeen haweeneyda eedeysanaha ah oo la geeyay xarunta C.I.D.
Falkan argagaxa leh ayaa cabsi ku beeray dadka deegaanka, waxaana sidoo kale ka dhalatay hadal hayn xoogan oo qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.