MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka bilaabatay maxkamadeynta 14 mas’uul oo hore, kuwaas oo loo haysto inay ku kaceen falal la xariira musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u gada gashay kiiskan oo ah mid xasaasi ah, maadaama ay xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay mas’uuliyiintan in ay lunsadeen lacago malaayiin dollar ah.
14-ka mas’uul ayaa 13 kamid ah waxa ay yihiin maqanayaal, waxaana kaliya Maxkamadda xaadiray hal eedeysane oo kaliya, sida uu shaaciyay Guddoonka Maxkamadda Gobolka.
Halkan hoose ka akhriso magacyada iyo xilalka ay hayeen mas’uuliyiinta ay maanta Maxkamadooda ka bilaabatay magaalada Muqdisho:-
1-Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, 2-Cabdulqaadir Cali Cilmi (Cabdul) oo labaduba ahaa agaasimeyaashii hore ee hay’adda socdaalka Jinsiyadda.
3-Cismaan Xasan Cosoble oo isna ahaa ku xigeenkii hore ee agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.
4-Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda dakhliga ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.
5-Cabdikaafi Xasan Maxamed oo ahaa agaasimihii hore ee maamulka iyo maaliyadda hay’adda socdaalka iy jinsiyadda.
6-Cabdiraxmaan Macxaed Cali (Caadle) agaasimihii hore ee waaxda ajaaniibta hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.
7-Abuukar Xasan Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska qaadasha Visada iyo hubinta Visaha ee waaxda ajaaniibta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.
8-Maxamed Xuseen Nageeye oo ahaa sarkaal ka tirsanaa qaybta qaadashada Viso kordhinta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.
9-Abshir Maxamed Cali oo ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska diiwaangelinta iyo hubinta lacagta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.
10-Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa agaasimhii hore ee waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.
11-Maxamed Idiris Axmed oo ahaa madaxa qaybta canshuuraha dadban ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.
12-Cabdullaahi Daahir Wehliye oo ahaa qasniga qaybta dakhliga ajaaniibta laanta bangiga dhexe ee garoonka Aadan Cadde.
13-Maxamed Ibraahim Axmed oo ahaa sarkaal ka tirsan waaxda ajaaniibta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.
14-Cabdalle Maxamed Axmed oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda IT-da ee Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka.