Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo baaq culus soo saaray

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa ku baaqay in gacan laga geysto dib u dhiska goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada ee ay ku jiraan waddooyinka iyo xarumaha kale ee degmooyinka iyo kuwa dowladda.

 

Guddoomiyaha ayaa ka dhaqaajiyay hadaladaasi xilli uu habeenimadii xalay xarigga ka jaray dhismaha xarunta Maamulka Degmada Kaaraan oo maalmihii la soo dhaafay lagu sameeyay dib-u-dhis balaaran.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale () ayaa xusay in illaa hadda lagu guuleystay dayactirka  14 waddo oo kamid ah Magaalada Muqdisho,wuxuuna inaa raaciya in ay socdaan qorshe lagu dhisayo waddooyin cusub iyo kuwo kale oo la doonayo in la dayactiro.

“Dal ninkiisa ayaa dhisa,sidaa daraadeed,waxaa loo baahan yahay in Maamulada Gobolka Banaadir gacan lagu siiyo dib u dhiska dalka,gaar ahaan waddooyinka caasimadda dalka iyo carumaha kale ee muhiimka ah”ayuu yiri Maddaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here