Khasaare xoogan oo ka dhashay dab xalay ka kacay xaafadda Seybiyaano

0

MUQDISHO (SMN) – Qoysas danyar ah ayaa ku guryo beelay dab xalay ka kacay guryo isku raran ah oo ku yaalla Xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho.

 

Dabka oo damintiisa ay wax badan qaadatay ayaa ku faafay guryo dhowr ah, maadaama ay adkayd in gaadiidka dab damiska ay gudaha u galaan halka dabka uu ka kacay.

Dadkii daganaa ayaa dibadjoog ka ahaa guryohoodii oo gubtay, kuwaasi oo ah dad danyar ah, waxaana la sheegay in dabka uu ka bilowday koronto.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa aad u batay gubashada guryaha iyo goobaha ganacsi ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here