Ciidanka Suudaan oo Iska Caabiyay Weerar ay RSF ku Qaadday Gobolka Blue Nile

0

Khartoum – Ciidamada Suudaan ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerar ay xoogagga  (RSF) iyo xulafadooda oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Suudaan (SPLM) ku qaadeen magaalada Qaisan ee gobolka Blue Nile, oo ku dhow xadka Itoobiya.

 

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu dhacay Talaadadii, isla markaana uu bartilmaameedkiisu ahaa beeraleyda xilligan ku guda jira goosashada dalagyadooda. Maamulka Qaisan ayaa weerarka ku tilmaamay “dambi dagaal oo baahsan.”

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa gardarradan dambiga ah ee beegsanaysa nolosha, amniga iyo xasilloonida muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay maamulka deegaanka. Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka, halka RSF aysan si degdeg ah uga jawaabin eedeymaha iyo warbixinta ku saabsan weerarka.

Dagaalladan ayaa qeyb ka ah colaadda ka taagan gobolka Blue Nile, halkaas oo ciidamada Suudaan ay gacanta ku hayaan qaybo badan oo ka mid ah gobolka, halka SPLM ay dowladda Suudaan dagaal kula jirtay tan iyo 2011-kii, iyadoo dalbanaysa in maamul-goboleed madax-bannaan loo sameeyo gobollada Koonfurta Kordofan iyo Blue Nile.

10-kii Luulyo, ciidamada Suudaan ayaa sidoo kale sheegay inay iska caabiyeen weerar lagu qaaday deegaannada Deim Saad iyo Yara ee gobolka Qaisan. Dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo RSF ayaa dalka ka socday tan iyo Abriil 2023, kaddib markii uu khilaaf ka dhashay qorshihii lagu mideyn lahaa RSF iyo ciidamada milatariga qaranka.

Colaadda ayaa sababtay dhimashada tobanaan kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku qasbanaadeen inay ka barakacaan guryahooda, iyadoo dagaalku uu sidoo kale sababay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran iyo macluul ka jirta qeybo ka mid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here