Qoor Qoor oo bilaabay oo olole ku aadan wax ka beddalka Dastuurka dalka

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa haatan bilaabay dadaallo uu taageero buuxda ugu raadinayo meel-marinta qodobadkii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, gaar ahaan wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah.

 

Qodobada waxaa kamid ahaa in meesha laga saaro xilka ra’iisul wasaaraha, Soomaaliyana ay u guurto nidaamka madaxweyne iyo ku xigeen, taas oo saluug weyn laga muujiyay.

Qoor Qoor ayaa lasoo warinayaa inuu hormuud u yahay madaxda dooneysa in taageero loo helo qodobadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa haatan ku sugan magaallo xeebeedka Kismaayo, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay dhiggiisa Jubbaland.

Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa hadda bilaabay qorshahooda ku aadan wax ka beddalka Dastuurka oo ay wadato Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Si kastaba, waxaana isha lagu wada hayaa shirarka siyaasadeed ee la filayo inay gudaha dalka ka dhacaan, ayna qayb ka yihiin mucaaradka oo diidan in la beddalo Dastuuka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here