Sawirro: Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Kenya oo kulamo ka bilaabay Nairobi

0

NAIROBI (SMN) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa ugu horreyn la kulmay safiirka dowladda Kuwait ee Kenya ahna Madaxa safiirrada Carabta ee  Kenya.

 

Labada danjire ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyagoo isla soo qaaday in laga wada shaqeeyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, dhoofinta xoolaha maadaama uu dalkeenamu hodan ku yahay Xoolaha iyo  dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Safiirka Dowladda Kuwait ee Kenya ayaa dhankiisa aad u soo dhaweeyay arintaas waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqadashada Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya,  isagoo intaa raaciyay in Danjire Jabriil uu yahay safiirkii ugu horeeyay ay kulan wada qaataan.

Dhinaca kale  Danjire Jabriil ayaa la kulmay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Dalkaan Kenya, waxa labadooduba ay ka wada hadleen sidii xariirka Jaamacadda Carabta iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya loo xoojin lahaa, waxa uu safiirka Jaamacadda Carabta u hambalyeey Madaxda iyo  Dhammaan Ummadda Soomaliyeed guulihii ugu dambeeyay ay gaareen kuwaas oo ay ka mid yihiin ku biiristii Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Baariga Afrika,  Cunababateebta Hubka ee laga qaaday Soomaaliya iyo sidoo kale in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa.

Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Mudane Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa bilaabay shaqooyinkiisii caadiga ahaa ee xiriirada gaarka ah gaar ahaan Safaaraddaha Wadamada Adduunka ee fadhigoodu yahay Dalkaan Kenya, asaga oo ka duulaya kor-u qaadista xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeyo Caalamka iyo  xoojinta xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeyaa dalalka Caalamka.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here