Guddoomiyaha SoDMA oo abaal-marin lagu guddoonsiiyay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xalay ka qaybgalay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayey waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, waxaana goobjoog ka ahaa xafladaan Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallim Fiqi.

 

Madashaan waxaa lagu soo bandhigay waxii u qabsoomay sanadkaan 2023 Wasaaradda, iyadoo shacabkii ka soo qaybgalay kulankaan wasiirka iyo Guddoomiyaha ay waydiyeen su’aalo la xariira waxa u qabsoomay iyo qorshaha u yaal.

Wasiir Fiqi ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle kaas oo lagu abaalmariyey shaqada wanaagsan ee dalka iyo dadka uu u hayo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here