War cusub oo kasoo kordhay go’aankii ka bixitaanka SSC-Khaatuma ee Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka Maxkamada Sare ee Puntland Axmed Sheekh Cumar Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankii kasoo baxay Isimada Dhaqanka SSC-Khaatuma oo maalin kahor ku dhawaaqa inay iska baxeen Puntland.

 

Axmed Sheekh Cumar oo kasoo jeeda deegaanada SSC ayaa talo sharci ka soo saaray go’aankii Isimada ee ku aadanaa ka bixitaankooda Puntland, wuxuuna sheegay inuu baal-marsanaa habraaca heshiisyada iyo ka bixistooda.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay saddex qodob oo ay tahay in lagu dhaqaaqo, si xal loogu helo xaaladda adag ee dowlad goboleedka Puntland.

Xaaladda Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isugu darsamay khilaafka doorashada oo aan xal loo helin iyo go’aanka ay qaateen Isimada Dhaqanka ee SSC.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arriman ay kusoo aadayaan xilli lagu sii dhawaanayo maalinta doorashada oo ah siddeeda bisha Janaayo ee 2024-ka.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here