SoDMA oo wareejisay gargaar loo geynayo dadka ay saameeyeen daadadka

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta shixnad gargaar ah oo loogu talagalay dadka ay sameenta ka soo gaareen fataahadaha iyo daadadka El-Niño waxa uu ku wareejiyey guddiga Ololaha Hooyo Badbaadi Hal Qoys oo ay horkacaysay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Aadanaha XFS Aamino Xasan Cali.

Gargaarkaan oo sida qaaska ah ay ugala dardarantay hay’adda SoDMA wasiirkii hore ee Haweenka XFS AUN Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo 500 oo qoys oo ka kooban haween iyo Carruur, waxana uu ka koobanyahay qaybaha kala duwan ee raashinka.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka waxaa ka go’an dardargalinta howlaha Gurmadka dadkeena taagta yar ee fatahaaduhu saameeyeen.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here