Dowladda Jabuuti oo si aan la fileyn uga hadashay xadgudubka Itoobiya

0

JABUUTI (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa si aan la fileyn looga hadlay xadgudubka Itoobiya ee arrimaha Soomaaliya, kadib heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.

 

Jabuuti ayaa si dhex-dhexaad ah uga hadashay xiisaddan, waxayna si guud baaq ugu jeedisay labada dowladood.

Dowladda Jabuuti qoraal ka soo baxay ayaa lagu yiri ”Dowladda Jabauuti oo ah gudoonka wareegga ee IGAD waxa ay xaqiijinaysaa sida ay si qoto dheer u garab-taagantahay ilaaalinta madaxabanaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah IGAD, sida ay qabaan xeerarka IGAD iyo Midawga Afrika”.

Hadalkaan ayaa imaanaya, iyada oo Ethiopia ku xafgudubtay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here