Dowladda Jabuuti oo si aan la fileyn uga hadashay xadgudubka Itoobiya

0

JABUUTI (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa si aan la fileyn looga hadlay xadgudubka Itoobiya ee arrimaha Soomaaliya, kadib heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.

 

Jabuuti ayaa si dhex-dhexaad ah uga hadashay xiisaddan, waxayna si guud baaq ugu jeedisay labada dowladood.

Dowladda Jabuuti qoraal ka soo baxay ayaa lagu yiri โ€Dowladda Jabauuti oo ah gudoonka wareegga ee IGAD waxa ay xaqiijinaysaa sida ay si qoto dheer u garab-taagantahay ilaaalinta madaxabanaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah IGAD, sida ay qabaan xeerarka IGAD iyo Midawga Afrikaโ€.

Hadalkaan ayaa imaanaya, iyada oo Ethiopia ku xafgudubtay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here