Daawo: Xildhibaano cambaareeyay falkii lagu beegsaday ciyaartoyda K/Galbeed

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo maanta Muqdisho kula hadlay Wariyeyaasha ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday ciyaariyahanada xulka Koonfur Galbeed ee ka qayb-galayay tartanka maamul goboleedyada.

 

Xildhibaanadan ayaa dalbaday in baaris dhab ah lagu sameeyo falkaas oo ay dhaawacyo kasoo gaareen qaar kamid ah ciyaariyahanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, si wax looga weydiiyo dhacdadaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli horay Booliska Soomaaliya uu u sheegay inuu wado baaris ku aadan weerarkan oo noqonayo kii labaad ee lagu beegsado ciyaartoyda Koonfur Galbeed oo haatan go’aan ku gaaray in aysan mar kale ka qayb-gelin ciyaaraha Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here