Ukraine oo 4 muwaadiniinteeda kamid ah ay u gacan galeen Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine ayaa sheegtay in afar qof oo u dhashay Ukrain ay la socdeen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo u kireysneyd Qaramada Midoobay oo todobaadkan u gacan gashay Al-Shabaab, kadib markii ay ku dhacday bartamaha Soomaaliya.

 

Diyaarada Helicopter-ka ah oo ay saarnaayeen sagaal qof ayaa ku guda jirtay daad gureyn caafimaad, kadib markii cillad farsamo ay ku qasabtay inay ku degto meel u dhow tuulada Xiindhir oo ah deegaan ay maamusho maleeshiyada Al-shabaab.

“Muwaadiniintayadu waxay xubno ka ahaayeen shaqaalaha helikabtarrada ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya… aqoonsigoodana waa la xaqiijiyay,” ayuu Oleh Nikolenk oo ah afhayeen u hadlay Ukraine kusoo qoray Facebook.

Waxa uu sheegay in diyaaradda ay leedahay shirkad gaar loo leeyahay oo laga leeyahay dalka Ukraine oo qandaraas kula jirta Qaramada Midoobay.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in sidoo kale ay la socdeen muwaadiniin u dhashay dalalka Masar, Uganda iyo Soomaaliya. Ilaha ayaa codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintu leedahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegtay inay ku howlan tahay sidii ay u soo badbaadin lahayd la haystayaasha, balse saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay ku adkaan doonto deegaan ay muddo toban sano ka badan gacanta ugu jirtay kooxda Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa qoraal aysan shaacin oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay in hal qof oo saarnaa diyaaradda helicopter-ka la dilay lixna la qafaashay.

Waxay intaas ku dartay in laba qof ay carareen oo aan la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Qaramada Midoobay ee gobolkaasi ilaa amar dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here