Wasiirada iyo xildhibaanada gobollada waqooyi oo diiday heshiiska BADDA

0

MUQDISHO (SMN) – Kadib kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen xildhibaanada, wasiirada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan heshiiska badda ee ay Somaliland iyo Itoobiya kowdii bishaan ku gaareen magaalada Addis Ababa, kaas oo dhaliyay muran iyo caro xoogan.

 

Warsaxaafadeed ay soo saareen xubnahan ayaa waxa ay ugu horreyntii uga soo horjeesteen heshiiskaasi, ayaga oo sidoo kale cambaareeyay, maadaama uu xadgudub ku yahay madax bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay u taagan yihiin midnimada Ummadda Soomaaliyeed, ayna Somalilabd ku metalaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo walaac xoogan uu ka dhashay heshiiskii ay wada gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaas oo ay Somaliland ku siisay Itoobiya 20 KM oo kamid ah baddeena.

Arrintaas oo xadgudub ku ah madax banaanida Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka hortimid dowladda federaalka oo soo saartay go’aano ka dhan ah heshiiskaas oo sidoo kale la kulmay cambaareyn ka timid qaar ka mid ah dowladaha caalamka iyo ururada caalamiga oo garab istaag u muujiyay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here